4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Turkiga uga qeyb galaya Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika
 

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

War-saxaafaddeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay soo bandhigi doonaan aragtida Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa Madashan waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa shirka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online