4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Raysal wasaare rooble oo golaha wadatashiga ugu yeeray shir looga jawaabayo daahfur naan la'aanta doorashada
 

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xiritaanka shirka Heritage ee ka socday Jabuuti, ayaa  sheegay inuu golaha wadatashiga qaran ugu yeeray shir looga arrinsanayo xoojinta daah furnaanta doorashada.

Raysal wasaaruhu wuxuu tilmaamay shirkaas inuu yahay mid looga jawaabayo dareenka ay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha ka muujiyeen daah furnaan la’aanta doorashada, taasoo keentay in ay doorashada qaadacaan.

Raysal wasaare  rooble wuxuu iska fogeeyay eedaha la xiriira inuu ka aamusan yahay cabashada doorashada iyo in ay wax  wax iska beddeleen mowqifkiisii ku aadanaa qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.

“Waxaa la isweydiinayaa raysal wasaaruhu muxuu la aamusan yahay? tallow waddamaduu tagay miyaa dhabarka kasoo taabtay. Wax kale lama aamusini, waxaan ahay dherigii saddexda dhadhaab u dhaxeeyay, hadday tahay madaxda dowlad goboleedyada,  musharraxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Rooble.

Raysal wuxuu sheegay in aanay jirin cid dhabarka kasoo taabatay, isagoo sheegay in si hufan doorashada loo qabanayo, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu ku noqon lahayd mid lagu kalsoon yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online