4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Obama oo difaacay siyaasadiisii ku aadanayd duqeymaha Somalia, Afganistan iyo Yemen
 

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa si xoog ah u difaacay siyaasadiisa ku aadanayd duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Marka la barbar dhigo Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee George W Bush, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Obama ayaa toban jibaarmay, taasoo keentay in kumannaan qof ay ku dhintaan Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Yemen iyo dalal kale.

Kooxaha xuquuqda Aadanaha ayaa si joogto ah su'aallo uga keenay sharcinimada weerarradan oo kale iyo saxnimadooda, waxayna ku doodeen in  xilligii madaxtinimada Obama, daraasiin rayid ah lagu dilay dabagalka ka dhanka ah xagjirnimada adduunka.

Siyaasadda Drone-ka ee madaxweyne Obama ayaa loo arkayay inay tahay mid dhaawac weyn ku ah sumcadiisa madaxweynenimo, iyadoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay tan ugu khatarta badan ee dhaxalkiisa, kadib markii uu xilka ka dagay.

Warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 37 milyan oo qof oo u badan rayid ay ka baro-kaceen dalalka Afgaanistaan, Ciraaq, Pakistan, Yemen, Soomaaliya, Filibiin, Liibiya iyo Suuriya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online