4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Qoyska gabar da'yar oo kufsi wadareed loogu geystay Janaalle oo dalbaday Cadaalad
 

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Qoyska ay kasoo jeedo allaha unaxariistee Safiyo Cali Maxamed oo aheyd gabar aad u da'yar oo u dhimatay kufsi wadareed loogu geystay degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegeen ineysan aasi doonin gabadhooda ilaa ay uga helaan Cadaalad.

Aabaha dhalay gabadha u geeriyootay kufsi wadareedka loo geystay Cali Maxamed ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iney ka helaan cadaalad kufsiga loo geystay gabadhiisa, isagoona intaa ku daray inuusan aasi doonin gabadhiisa ilaa ay ka helaan Cadaalad.

"Gabadheyda waxaa kufsiday rag badan kufsiga ayayna u dhimatay, waxaan doonaya in umadda Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda iney ii dhiciyaan xaqa gabadheyda, mana aasi doono ilaa xaqeeda aan ka helno" ayuu yiri aabaha dhalay gabadha kufsiga u geeriyootay.

Hooyada dhashay gabadha kufsiga u geeriyooday oo la ilmeyneysa xanuunka iyo murugada kasoo gaartay kufsiga gabadheeda yar loo geystay oo da' ahaan jirtay 17 sano ayaa sidoo kale dalbatay in sharciga Islaamka loo marsiiyo dadkii gabadheeda sababta u noqday iney dhimato.

9-kii bishaan Desembar ayay aheyd markii marxuumada yar ay u geeriyootay kufsi wadareed loogu geystay degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose, waxaana meydkeeda haatan uu banaanka yaala muddo 7 cisho ah, islamarkaana qoyskeedu sheegayaan ineysan aasi doonin ilaa cadaalad ay ka helaan.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]