4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Maxamed Cumar Carte oo madaarka Hargaysa dib looga celiyay
 

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo shalay lagu xidhay madaarka Cigaal ee Hargaysa kadib, markii lagu qabtay baasboor dibulumaatik Soomaaliya ah oo uu sitay, ayaa dib looga celiyay madaarka Cigaal.

Qof kamid ah ehelada Carte oo Horyaal TV waraysi siiyay, ayaa sheegay in uu dib ugu duulay dalka Jabuuti kadib, markii loo ogolaan waayay in uu Somaliland kusoo galo baasboorka dibulumatik-ga ah, isla markaana laysla gartay in uu baasboorka Somaliland dib ugu soo galo Hargaysa.

Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani, ayaa cambaareeyay talaabada Carte Somaliland lagaga saaray, isagoo sharci daro ku tilmaamay. "Dunida ma jirto meel qof muwaadin ah dalkiisa laga masaafuriyaa. qofku hadii uu danbi galo oo waddankiisa ka galo waxaa la geeyaa maxkamad waana la xukumaa si sharciga waddanka waafaqsan".

Maxamed Cumar Carte ayaa markii la qabtay ka yimid dalka Turkiga sida qoyskiisu sheegeen, waxaana la rajaynayaa in uu saacadaha soo socda dib uga soo dago madaarka Cigaal isagoo baasboorka Somaliland kusoo gali doona.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]