4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland "Arrintii dorad golaha ka dhacday waxay ahayd nasiib daro"
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa guud ahaan shacabka iyo ciidamada booliiska raaligalin kasiiyay, rabshadii golaha ka dhacday maalintii Isniin ta.

Guddoomiye Khaliif ayaa sheegay in ay ka xunyihiin,wixii golaha ka dhacay, isagoo dhinaca kale sheegay in golayaasha caynkan oo kale ah ay qasabtahay in uu khilaaf yimaado.

"Arrintii darad golaha ka dhacday waxay ahayd nasiib daro, dhamaan golaha iyo shirgudoon kuna waanu ka xunahay, runtiina dabeecadaha golayaasha noocan ah ayay kamid tahay in uu khilaaf yimaado, oo aragtida sharciga ah laysku khilaafo" ayuu yidhi Khaliif.

Khaliif ayaa dhinaca kale raali galin siiyay  ciidanka booliiska oo la sheegay in xubno kamid ah ay xildhibaannada qaarkood dhaawacyo soo gaadhsiiyeen "ciidanku amniga ayay ilaalinayaa waxa fiican meel uu tuhun ka jiro in anay iman, in aan gacana loogu jawaabin, wixii dhiba ee dhacayna taliska ciidanka waxaanu u muujinay in aanu ka xunahay".

Waxa kale, oo uu sheegay in khilaafka ay gole ahaan dhamaysanayaan.

Xildhibaannada golaha ayaa wali kala qayb sanaan wayni ka dhex muuqataa, tan iyo khilaafkii sharci ee dhacay maalintii Isniinta, inkasta oo uu guddoomiyuhu sheegay in ay khilaafkooda dhamaysanayaan.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]