4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Midowga Afrika oo ku booriyay dowladda Soomaaliya in la dedejiyo dhameystirka doorashada
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in la dedejiyo dhameystirka doorashada muddada dheer socotay xilli  ay mucaaradku ku hanjabeen inay qaadi doonaan tallaabooyin adag ka dib markii la isku khilaafay hufnaanta hannaanka.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa war-murtiyeedka ku sheegay inay ku dhiirri-gelinayaan guddiga doorashadda Federalka (FEIT) inay dedejiyaan qabanqaabada dhammaan doorashooyinka la sugayo muddada loo cayimay.

Hadalkan ayaa daba socda shir ay AUPSC yeesheen 7-dii bishan December kaas oo sidoo kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo rajada laga qabo in la helo ciidamo cusub oo beddeli doona AMISOM marka uu dhamaado howlgalkooda.

Baaqyada ka soo yeeraya ururka Midowga Afrika ee ku aadan baahida loo qabo in la dhameystiro doorashada ayaa ku soo aadeysa, kadib hanjabaado ka soo yeeray Golaha Murrashaxiinta Madaxweynaha oo ku aadanaa in la dhiso gole KMG ah oo dalka hogaamin doona.

Puntland, Hirshabelle iyo Jubaland ma aysan dooran hal xildhibaan, sidoo kale beelaha Banaadiriga ee Muqdisho ayaa loo qoondeeyay shan kursi. Jubbaland ayaa Talaadadii ku dhawaaqday 14 kursi oo cusub oo lagu tartamayo balse wali ma aysan cayimin waqtiga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online