4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Raysal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo lagu xidhay magaalada Hargaysa
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa lagu xidhay madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa, kadib, markii lagu qabtay basboor Soomali dibulumaatik ah, sida sarkaal aan magiciisa sheegin warbaahinta u sheegay.

Carte ayaa sannadkii hore kusoo laabtay Somaliland isagoo iska casilay xil xildhibaan-nimo oo uu ka hayay dowlada Soomaaliya, kadib markii uu aabihii Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ku xanuunsaday magaalada Hargaysa oo uu daganaa.

Soo labashadiisa ayaa suuragashay kadib, markii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay cafis madaxweyne, kadib markii uu waraaq uu cafis ku dalbanayo usoo diray xukuumada Somaliland, isagoo la sheegay in uu ka tanaasulay fikradii 'Soomaaliweyn', wuxuuna si toosa madaarka Cigaal uga soo dagay 25, October, 2020.

Carte ayaan lagu arag masraxyada siyaasada Somaliland mudadii uu joogay, iyadoo dad badani aaminsanaayeen in uu dhinac ka qabsan doono siyaasada iyo xisbiyada Somaliland.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]