4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Dowladda Mareykanka oo baaq u dirtay madaxda maamul goboleedyada dalka
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka oo markale ka hadashay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid, ayaa ka dalbatay maamul goboleedyada dalka iney ka fogaadaan wax waliba oo markale dib u dhac ku keeni kara howlaha doorashooyinka dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga dalbaday madaxda dowlad goboleedyada dalka Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iney ka fogaadaan dib u dhac markale ku yimaada hanaanka doorashada dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa madaxda maamulada ka dalbaday in si degdeg ah u soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, isla markaana doorashada noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo xor iyo xalaal ah.

"Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ku leedahay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xili doorashada Golaha Shacabka ay ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, waxaana la doortay ilaa hadda 24 Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo deegaan doorashoodu kala tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, Koofur Galbeed iyo Galmudug, kuwaas oo cabasho badan kasoo laabatay qaabka loo doortay Xildhibaanadii soo baxay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]