4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Dowladda Hindiya oo sheegtay in labo qof oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Kenya in laga helay fayraska cusub ee Omicron
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Dowladda Hindiya ayaa maanta shaacisay in labo qof oo u kala dhashay waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo dalkaas tagay dhawaan in laga helay nuuca cusub caabuqa Corona virus ee loo yaqaano Omicron, kaasoo si degdeg ah u faafa.

Qofkii ugu horreeyay ee cudurkan laga helay waxay dowladda Hindiya ku sheegtay haweeney 24 jir ah, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Kenya, taas oo ka soo degtay garoonka Hyderabad.

Qofka labaad, waa 23 jir u dhashay Soomaaliya. Waxay dowladda Hindiya tilmaamtay inuu ahaa rakaab ka yimid Soomaaliya.

Labadaan qof ayaa safar ku gaaray magaalada Hyderabad taariikhdu markay ahayd 12-kii December, waxayna qaadatay 48 saacadood oo dheeraad ah in la xaqiijiyo in laga helay xanuunka.

"Samballooyinkooda waxaa la soo aruuriyay 12-kii Diseembar waxaana loo diray baaritaan. Natiijadu waxay soo baxday habeenimadii Talaadada, "ayuu yidhi Srinivas Rao oo ah Agaasimaha Caafimaadka gobolka Telangana ee dalka Hindia.

Labadan qof ayaa lagu go'doomiyay Machadka Caafimaadka ee Telangana iyadoo mas'uuliyiintu ay ku guda jiraan karantiilintooda sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalkaas.

Omicron waa nuuc cusub ah oo kamid ah fayraska Covid-19. Wuxuu caan ku yahay inuu si degdeg u faafo. Laakiin daraasad dhawaan soo baxday, waxay sheegaysaa in dhimashadiisu yar tahay marka loo barbar dhigo nuucii ka horeeyay ee Delta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online