4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Danjire James Swan iyo guddiyada doorashooyinka oo ka shiray baahida loo qabo hannaan doorasho oo la aamini karo

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Guddiga fulinta doorashooyinka heer federaal, guddiyada doorashooyinka dowlad goboleedyada, guddiga xallinta khilaafaadka doorashada iyo deeq-bixiyayaasha ayaa yeeshay kulan ay kaga doodayeen doorashada.

Waxaa  kulankooda kasoo baxay oo ay hoos ka xariiqeen baahida loo qabo hannaan doorasho oo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo  iyo in horay loo socdo oo doorashada lagusoo gabagabeeyo waqtigeeda ugu macquulsan.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa si gaar ugala hadlay guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Federaalka Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay mas'uuliyadda Guddiga si loo hubiyo in dhammaan cabashooyinka loo wajaho si caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Kulamadan uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la yeelanayo guddiyada fulinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo aad looga walaacsan yahay sida uu ku socdo hannaanka doorashada, taasoo keentay in mucaaradku ka hor yimaadaan guud ahaan doorashada.

Guddiga doorashada ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu saxayo cabashooyin kaga yimid hannaanka doorasho ee qaar kamid ah kuraasta lagu doortay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online