4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Alshabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere oo Dhuusomareeb u jira 30km
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceel-dheere oo 30km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Waa magaaladii labaad oo muddo todobaad gudidiis ah ay la wareegaan ururka Alshabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidinayay deegaanno katirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada Alshabaab ee qabsaday Ceel-dheere ayaa lagusoo waramayaa in ay gubeen saldhiggii ciidanka Booliska iyo xaruntii maamulka, waxayna qaarkood ku xireen qaraxyo si ay dhulka u dhigaan.

Alshabaab wax dagaal ah kalama kulmin qabsashada Ceeldheere, inkastoo ciiddanku isku dayeen in ay kusoo qaadeen weerar ay dib ugu qabsanayaan haddana Alshabaab waxaa la sheegay in ay iska caabiyeen.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Alshabaab la wareegeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, oo ah magaalo muhiim ah oo isu xirta gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Ceel-dheere waxay u dhaxaysaa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waana deegaan Alshabaab dhowr mar ay qabsadeen sannadkan gudihiisa, inkastoo ay xilligaas saacaddo kooban kadib isaga baxeen

Galmudug weli kama hadlin dhaqdhaqaaqyada is-ballaarinta Alshabaab, waxayna arrintaan kusoo aadaysaa, iyadoo Galmudug ay isku diyaarinayso qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online