4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Hay'adda Ifrah Foundation oo Kismaayo ka daahfurtay olole ka dhan ah gudniinka gabdhaha


Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Hay'adda Ifrah Foundation oo kaashaneysa wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee maamulka Jubbaland iyo Hay’adda UNFPA ayaa ka daahfurtay maanta magaalada Kismaayo barnaamijka ololaha gudniinka gabdhaha.

Barnaamijkan oo loo bixiyey (Gacalo gabadheyda) ayaa munaasibadii furitaanka waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland, ururada haweenka, Culima'udiin iyo qeybaha bulshada.

Waxaa kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah xubnihii lagu casuumay Munaasabadaas oo isugu jiray haween, odayaal dhaqameedyo iyo culimaaudiin, iyagoo ka waramay dhibaatooyinka uu gudniinka fircooniga ah u leeyahay haweenka iyo baahida loo qabo in bulshada laga wacyigeliyo si loo ciribtiro.

Agaasimaha Heyadda Ifrah Foundation Ifraax Macalin Axmed ayaa sheegtay in fekerka ololahan Gacalo gabadheydii uu ku dhashay markii ay aragtay dhibaatooyinka sii socda ee haweenku ku hayo gudniinka iyo baahida ka jirta in la xoojiyo wacyi gelinta arrintaas la xiriirta, waxayna ugu baaqday qoysaska Soomaaliyeed iney gabdhahooda ka ilaaliyaan gudniinka oo ay xustay iney ka dhashaan dhibaatooyin badan.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland Cadar Ismaaciil ayaa sheegtay in ay u taagan yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta haweenka oo gudniinku ka mid yahay, iyadoo u mahad celisay hay'adda Ifrah  Foundation oo soo qabanqaabisay ololahan bulshada looga wacyiglinaayo gudniinka gabdhaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online