4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafti ka socda Koongaraska Maraykanka
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Wafti ka socda aqalka koongaraska dalka Maraykanka, oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, dimuquraadiyada Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waftiga warbixin ka siiyay xaalada guud ee Somaliland iyo horumarada ay ku talaabsatay mudadii 30 sanno ahayd ee ay jirtay, wuxuuna madaxweyne Biixi u sheegay waftiga in Somaliland halkaa kusoo gaadhay isku duubni iyo qori isku dhiib, sida lagu xusay qoraal kulanka laga soo saaray.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarka dimuquraadiyada, nabadgalyada, horumarinta, xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Xubnaha waftiga ayaa xukuumada Somaliland uga mahadnaqay soo dhawaynta, waxayna dhankooda balan qaadeen in ay xogta Somaliland iyo horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee ka hana qaaday ay gayn doonaan aqalka Koongaraska Maraykanka.

Waftiga ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen  golayaasha guurtida iyo wakiilada ee Somaliland, isla markaana ay kulamo kale la yeelan doonaan wasaarado iyo hay'ado kale.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]