4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Madaxwayne Mustafe cagjar " Cid maanta Ciidamada Itoobiya, degaanka Soomaalida ku dhibaateeyeen lama hayo "
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ka qayb galay shirka madasha aragti-wadaagga ee uu soo diyaariyay Mac'hadka Heritage oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida, iyo wixii ka dambeeyay isbaddalkii si guud uga dhacay dalka Itoobiya.

Haddaba Madaxwayne Mustafe cagjar oo si gaar ah uga hadlay xaaladda dowlad degaanka Soomaalida, iyo wixii isbaddalka ka dambeeyay, ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin wax maamul ah oo dhanka fadaraalka ka yimaadda oo  dhibaato ugaysta dowlad degaanka Soomaalida, haddii wax la xirana uu go'aankeeda leeyahay xukuumaddiisu, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Haddii wax la xiray anagaa wax bi'inay aniga hala i waydiiyo, way jiraan  dad mucaarad ah oo la xiray, ceebteeda anagaa leh, laakiin nalooma sheegin, go'aankeeda anagaa iska leh".

Sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in saddexdii sano ee u dambaysay aan la helayn ciidamada Itoobiya oo shacabka dowlad degaanka Soomaalida dhibaato u gaystay, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Cid maanta ciidamada Itoobiya ama maamul Addis Ababa ka yimaadda degaanka Soomaalida ku dhibaateeyeen, cid ay ku xiraan,cid ay dhibaato ugaysteen lama hayo".

Balse taa baddalkeeda waxa uu sheegay in dadku heleen xoriyad dhammaystiran oo dhan walba ah,  waxa uuna yiri " Dadku xoriyad aan caadi ahayn, ayay haystaan, dhanka dhaqdhaqaaqa, xoriyadda hadalka, xoriyadda dhanka ganacsiga, ayaa ka jirta degaankayaga".

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay dhinaca soo xulashada baarlamaanka degaanka, waxa uu sheegay in horey aysan u dhicin in degaanku isagu iskii u dhisto xubnaha baarlamaankiisa, balse wixii isbaddalka ka dambeeyay xubnaha baarlamaanka degaanku laga soo dhex xusho bulshada, iyadoo aan loo eegin waxa uu aaminsan yahay, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Baarlamaankii aan soo xulanay ee 273 xubnood anaga ayaa gacantayada ku qoronay, horey uma dhicin, in iyadoo aan la lahayn hebel diintaasuu ku adag yahay, iyadoon la lahayn waa urur hebel, in baarlamaan la doorto ma dhicin".

Ugu dambayn Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa xusay in Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed uusan waxba yeelin degaanka Soomaalida, balse taa baddalkeeda uu wax u taray, waxa kaloo uu sheegay in kooxda TPLF oo wakhtigii ay xukunka dalka Itoobiya haysay dhibaatooyin badan u gaystay shacabka dowlad degaanka Soomaalida, uu Abiyi maanta la dagaallamayo, waxaa uuna yiri " Kooxdii TPLF ee 27 sano Soomaali xasuuqaysay, ee Soomaaliyana dhibaatadeeda gunta u ahayd, ee meesha ka baxday ayuu maanta Abiyi Axmed hortaagan yahay, dagaalna kula jiraa".

Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u muuqday mid dadkii madashan isugu yimid si waafi ah looga dhaadhicinayay xaaladda dhabta ah ee wakhti xaadirkan ka jirta guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]