4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga oo shaaciyay Doorashada 5 kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada kuraasta Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay qabashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu dooranaayo magaalada Muqdisho.

Kuraasta la shacaiyay in la qabanaayo doorashadooda ayaa kala ah, HOP 105, HOP 265, HOP266, HOP 034, HOP 084, waxaana kuraastaasi afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Jeylaano Nuur Iikar, Lufti Sheekh Maxamed Cumar, Biibi Khaliif Maxamed, Khaalid Macoow Cabduqaadir iyo Fahma Axmed Nuur.

Shaacinta shantaan kursi ee Beelaha Banaadiriga ayaa kusoo beegmeysa xili xalay guddiga doorashada Jubbaland ay shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxayna noqonayaan kuraasta Jubbaland iyo Beelaha Banaadiriga ay shaaciyeen qabashadooda kuwii ugu horeeyay oo ay ku dhawaaqaan guddiyada doorashada Jubbaland iyo Banaadiriga.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]