4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyay liiskii ugu horreeyay ee kuraasta doorashada golaha shacabka
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland, ayaa si rasmi ah u shaaciyay qabashada doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan deegaannada Jubaland.

Waa kuraastii ugu badnayd ee doorashadooda la qabanayo, inkastoo maamulka Jubbaland uusan sheegin taariikhda doorashada iyo in kuraasta isku maalin doorashadooda ay qabsoomayso.

Waxay arrintan kusoo aadaysaa kadib markii xalay guddiga heer federal ee doorashooyinka dadban uu faray guddiyada doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle inay si degdeg ah ku bilaabaan doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online