4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Wasiir Jamaal: Ma jiraan khilaaf xilligan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf xilligan ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka qorshaynta oo Jabuuti kaga qeyb galaya shirka aragti wadaaga arrimaha geeska afrika, ayaa sheegay in labada dal xiriirkoodu yahay mid wanagsan oo sii xoogaysanaya.

“Jabuuti, dad walaalaa nahay, dowladdii Carta ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waa annaga halkaan kasoo qeyb galnay, waana soconayaa xiriirkeenna, ayuu yiri wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal wuxuu sheegay in ay jiraan janaalo diblomaasiyadeed oo labada dowladdood kaga wada hadlaan wixii dhexdooda ka jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sannadkan dowladda Jabuuti ku eedaysay in ay kala safatay Kenya oo ay isku hayeen fara galin ay Kenya ku sameysay arrimaha Gedo.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo madaxweynaha Jabuuti uu magacaabay, ayaa beeniyay eedaha dowladda Soomaaliya ujeedisay Kenya ee ah in ay Kenya ciiddamo kusoo daabushay xuduuda Soomaaliya ee aagga Baladxaawo.

Bishii August ee isla sannadkan, khilaafka ayaa sii xumaaday kadib markii dowladda Jabuuti ay hor istaagtay safarka taliyihii nabad sugida Fahad Yaasiin oo kusoo wajahnaa Muqdisho.

Jabuuti ayaa Fahad Yaasiin ku qasabtay inuu dib ugu laabto Turkiga, arrintaas oo dowladda Soomaaliya ay si kulul u cambaareysay, kuna tilmaamtay  xad gudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda muwaadin Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online