4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Madaxweyne Waare: Raysal wasaare Rooble doorashadii loo idmaday ayuu faraqa ugu shubay Farmaajo
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu raalli ka yahay in la boobo doorashada ka socota dalka ee uu isagu dhabarka u ritay inuu hoggaamyiyo.

Madaxweyne Waare ayaa wareysi dheer oo uu siiyay universal tv wuxuu ku sheegay in doorashada hadda socoto ay tahay mid laga maamulayo villa Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in raysal wasaare Rooble uu ku faraxsan yahay sida ay wax u socdaan.

“Raysal wasaare Rooble masuuliyaddiisa aad ayuu uga gaabiyay, kaliya ma ahan inuu ka gaabiyay, ee masuuliyaddii loo dhiibay ee lagu aaminay, ayuu ninkii lagasoo fara maroojiyay ula tagay oo faraqa ugu shubay,” sidaasi waxaa yiri madaxweyne hore Waare.

Waare wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay inuu si rasmi ah u dhameysto labadii sano ee laga diiday, isagoo sheegay in arrintaas ay caddayn u tahay jiitanka doorashada ku socoto.

Wuxuu sheegay doorashada socota dhibaatada ka dhalata in aakhiro iyo adduun wax laga weydiindoono raysal wasaare rooble iyo inta kula shaqaynaysa in doorashada lagu sameeyo ku tagrifal.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online