4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhaca doorashada ku eedeeyay golaha wadatashiga qaran
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay golaha wadatashiga qaran in ay qaadan doonaan masuuliyadda dib u dhaca jadwalka doorashada aqalka hoose.

Guddiga ayaa war-saxaafaddeed ay soo saareen ku sheegay in ay dhankooda ku dedaaleen in doorashada lagusoo gabagabeeyo 24-ka bisha December, laakiin ay hadda muuqato dib u dhac kale oo weyn.

Guddiga waxay caddeeyeen in ay masuuliyiin katirsan golaha wadatashiga u xanniban tahay doorashada, waxayna ugu baaqeen, iyadoo la tixgalinayo daruufaha dalka in la dadajiyo doorashada golaha shacabka.

Wuxuu guddigu faray guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle in ay si degdeg ah usoo gudbiyaan warbixin la xiriirta qabsoomida doorashada.

Illaa iyo hadda wax ka yar 30 xildhibaan oo golaha shacabka ah ayaa la doortay iyadoo ay harsan tahay doorashada in ka badan 250 xildhibaan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online