4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay mawqifkiisa ku aadan furista ururada siyaasada
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa soo dhaweeyay furista ururada siyaasada, isagoo sheegay in ay sharci tahay in 10 kii sannaba mar la furo ururada siyaasada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdidheere), ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in ururada la furo.

"Hadaanu nahay xisbiga Kulmiye horayna waanu u galnay tartan iyadoo ururo la yahay, mar labaadna waanu galnay tartan, dadkuna xaq ayay u leeyihiin, 10 sannadood ayaa laga dhigay, 10 kaa sannadood in la furo ururada waa sharci" ayuu yidhi Axmed Cabdidheere.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay dhacayaan saddex doorasho oo kala ah, doorashada madaxweynaha, ta ururada iyo ta golaha guurtida, waxaanu sheegay in xukuumadu ay saddexdaba wakhtigooda ku qabanayso.

Axmed ayaa sheegay in sababta uu madaxweyne Biixi xeerka ugu celiyay golaha wakiilada, ay tahay si sixitaan loogu sameeyo qodobo kamid ah, lakin uu dhaqan galyahay, oo sidaana ururadu ku furanyihiin.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]