4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Muqdisho laga arurinayo carruurta darbi jiifka ah
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in magaalada Muqdisho laga arurinayo carruurta darbi jiifka ah ee isugu jira agoonta iyo kuwa kale ee danyarta ah.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay in barbaarin iyo dhaqan celin loogu sameeyo carruurta dayacan ee ku howlan maandooriyaha halista ku ah naftooda iyo bilicda magaalada.

Sarkaal katirsan asluubta ayaa warbaahinta u sheegay, in ka badan 300 oo carruur ah oo darbi jiif ah oo sannadkii 2015 laga aruriyay Muqdisho ay maanta diyaar  u yihiin iyagoo naftooda wax laga bedelay in ay qaranka Soomaaliya u shaqeeyaan.

Sarkaalku wuxuu sheegay tiro lamid ah tiradaas in ay dowladdu xarraynaysso si mustaqbalkooda loo badbaadiyo. Wuxuu kaloo sheegay in tallabaadaan ay qeyb ka tahay sugida amniga caasimadda.

Sanadihii ugu dambeeyay carruurta darbi jiifka ah ayaa kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana loo sababaynayaa daruufaha ka jira magaalada Muqdisho.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online