4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Dagaal ka dhex qarxay xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Khilaaf gacan ka hadal isku badalay ayaa ka dhex qarxay xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii laysku qabtay sharcinimada xeerka furista ururada siyaasada.

Shirguddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa laalay mooshin ay shalay soo jeediyeen xildhibaannada muxaafadka, kaasi oo ahaa in aan wax dood ah la galin xeerka furista ururada siyaasada ee madaxweynuhu kusoo celiyay golaha, isla markaana sidaa lagu meel mariyo.

Xildhibaanno ilaa 45 xildhibaan ah oo taageersan in xeerka furista ururada siyaasadu uu sidaa dhaqangal ku yahay, ayaa diiday in ay kalfadhigii saaka golaha galaan, iyadoo dhinaca kale uu guddoomiyaha goluhu kal fadhiga ku furay tiro aan ka badnayn 25 xildhibaan isagoo sheegay in aan loo baahnayn in kooramku buuxsamo.

Kadibna, waxaa bilaabmay gacan ka hadal iyadoo xildhibaannada qaar gacanta iskula tageen. Ciidamada booliiska oo golaha soo gaadhay ayaa gacanta ku dhigay xildhibaanadii ay gacantu kala gaadhay.

Ilaa iyo hada xaalada goluhu ma dagana, isla markaana xildhibaannada muxaafadka ayaa diidan in ay golaha galaan.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]