4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Diiwaan gelinta kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo goordhaw ka bilaabaneysa Muqdisho
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta oo isniin ah magaalada Muqdisho ka bilaabaya diiwaan gelinta Musharaxiinta afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo ergada dooraneysa.

Kuraasta maanta diiwaan galintooda bilaabaneysa ayaa ka mid ah 16 kursi oo horay guddiga doorashada u shaaciyeen in doorashadooda ay qabanayaan.

Diiwaan gelinta afarta kursi ee maanta bilaabaneysa ayaa ku eg 16-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota, waxaana kala yihiin kuraasta la diiwaan gelinayo HOP 229, HOP 262, HOP 254, HOP 255.

Kuraastaan waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaanada kala ah Cismaan Cabdullaahi Ducaale, Fowsiyo Yuusuf Xaaji, Axmed Maxamuud Maxamed iyo Jaamac Maxamed Askar.

Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ayaa horay u qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, iyagoona ahaa guddigii ugu horeeyay ee qabta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]