Golaha midowga musharraxiinta oo ku dhawaaqay qabashada shirweyne looga hadlayo badbaadinta dalka

 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Golaha midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay qabanaayan shirwayne kulminaya waxgaradka Soomaaliyeed oo looga hadlayo badbaadada dalka sida ay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo xalay ay soo saareen.

newsinsideMidowga musharraxiinta ayaa sheegay inay u caddaatay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada aysan wax dan ah ka laheyn doorasho hufan oo daah furan, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo.

Golaha musharraxiinta waxay iyagoo taas ka duulaya magacaabeen labo guddi oo kale ah, guddiga qaban qaabada shirweynaha iyo guddiga amniga shirka.

Halkaan ka akhriso qoraalka ay soo saareen:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online