4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii xiriirka kubada Soomaaliya
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Xiriirka kubada cagta Soomaaliya, ayaa shaqadii ka joojiyay guddoomiyihii xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Siciid Carab, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku tagri falay awooddaha xiriirka.

Eedeymaha shaqada looga joojiyay guddoomiyaha waxaa kamid ah musuq maasuq lagu sameeyay mashaariic ay FIFA maalgilisay oo laga fuliyay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Yuusuf Muxuyudiin Axmed, Xoghayaha Xiriirka kubbada Cagta, ayaa sheegay in xilka guddoomiyaha si kumeel gaar ah loogu wareejiyay guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Xoghayaha ayaa sheegay in la magacaabay guddi baaris ku sameyndoona eedeymaha loo haysto guddoomiye Cabiqani Siciid Carab, wuxuuna sheegay in muddo bil iyo bar ah ay kusoo gudbin doonaan natiijada baaritaanka eedeymaha.

Dhinaca kale, xiriirka kubada cagta ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay go'aan uu Cabdiqani Siciid Carab xoghaye cusub ugu magacaabay Shaafici Max’uddiin Abokar Islaaw, oo horey u ahaa madaxii xiriirka saxaafadda xiriirka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online