4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Kooxda TPLF oo dib u qabsatay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Sida ay tabinayso Rueters, dagaalo xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kooxda TPLF, ayay TPLF dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Taariikhiga ee lalibela.

Magaaladan ayaa bilowgii bishan December, waxaa TPLF kala wareegay ciidamada dowladda Itoobiya iyo xulafadooda degaanka Axmaarada, balse haatan waxay magaaladu dib ugu gacan gashay kooxda TPLF.

Magaalada Lalibela oo ku taal degaanka Axmaarada, ayaa ah magaalo taariikhi ah, isla markaana ahmiyad wayn ugu fadhida dhinacyada uu dagaalku ka dhaxeeyo ee dowladda iyo TPLF.

Horey Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa sheegay in TPLF ay dib isu abaabulayso, isla markaana wadayaan duulaankooda ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed.

Labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo ayaan markan midna ka hadlin arrinta magaalada Lalibela.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]