Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay diiwaan gelinta kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta soo saaray Jadwalka diiwan gelinta afar kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland uga mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta ergada dooraneysa afarta kursi iyo Musharaxiinta u tartameysa kuraastaasi ay bilaabaneyso 13-ka bishaan oo berito ku beegan, iyadoona ku eg 16-ka bishan oo ku beegan maalinta Kamiista ah.
Kuraasta la shaaciyay in diiwaan gelintooda beri laga bilaabo la guda galayo ayaa kala ah HOP 229, HOP 262, HOP 221,HOP 225, shaacinta kuraastaan ayaa imaaneysa xili shalay uu shaaciyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in xal buuxa laga gaaray khilaafkii markale soo kala dhexgalay guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran:-
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka horyimid furista ururada siyaasada
12/12/2021 3:52 PM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa si wayn uga horyimid go'aanka xukuumada Somaliland ee furista ururada siyaasada, oo galabta uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore.
Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday furista ururada siyaasada
12/12/2021 10:44 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay caasimada Hargaysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay furanyihiin ururadii siyaasadu.
Faahfaahin ku saabsan waxa maanta keenay in la xayiro shaqadii Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne
12/12/2021 7:44 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa maanta xiray howlahii Tarminaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib markii la sheegay iney isfaham waa dhinaca dhaqaalaha ah uu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo madaxda shirkada Whitestar Group ee dhistay Tarminaalka Garoonka Ugaas Khaliif.
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo mar kale iska xaadiriyay jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah TPLF
12/12/2021 7:06 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo maalmo kooban kasoo maqnaa furimaha dagaalka, ayaa mar kale u jihaystay dhanka dagaalka, si uu sii wado baacsiga kooxda TPLF, sida ay tabiyeen warbaahinta ay dowladdu maamusho.
Wasiir Cumar Cali "Koontaroolada hubinta Isgoysyada Muqdisho waxa ka jira dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin"
12/12/2021 6:52 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay iney soo gaartay cabasho la xariirta ciidamada dowladda, kuwa ka howlgala Isgoysyada magaalada Muqdisho iney lacago baad ah ay ka qaataan gadiidka dadweynaha.
Ciiddanka xoogga dalka oo sheegay in ay 5 xubnood oo katirsan Alshabaab ku dileen shabeeladda hoose
12/12/2021 6:44 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen tuulooyinka Gambaarey iyo Da’waalle ee gobolka Shabeellaha hoose waxa ay sheegeen inay ku dileen 5 ka tirsan Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay horgeysay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka
12/12/2021 2:54 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Maxamed C/raxmaan Cumar ayaa Qaramada Midoobay ugudbiyay warbixin looga hadlayay xaladda Abaaraha dalka ka jira iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu gurmaneyso dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Guddoomiye Cirro: Doorashada uma joojinayno wax qaldamay oo la sixi karo
12/12/2021 1:10 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Guddomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay doorashadu soconayso oo aan loo joojinayn baaqa kasoo yeeray midowga musharraxiinta Soomaaliya.
Alshabaab oo sheegay in ay 4 askari oo katisan ciiddanka Burundi ku dileen weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay Shabeeladda dhexe
12/12/2021 12:24 AM EST
Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Qaraxyo is xigxigay ayaa shalay lala beegsaday askarta Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Somali News
Tigray rebels retake Ethiopian Heritage town Lalibela: Residents
-
Al-Jazeera
12/12/2021 12:37 PM EST
Somali-Canadian lawyer killed in Istanbul
-
HOL
12/12/2021 9:26 AM EST
Istanbul (HOL) - A Somali-Canadian man has died in Istanbul after being attacked in the street earlier this week.
Severe drought affects over 3.5 million people in Somalia
-
CGTN
12/12/2021 8:58 AM EST
More than 3.5 million people in Somalia's Galgaduud are facing the threat of food and water shortages due to continuously worsening drought.
Despite election chaos, Somalia Transition Plan takes shape
-
Nation Africa
12/12/2021 4:37 AM EST
Somalia’s Transition Plan, one in which the country hopes to start carrying its own obligations more than donors and international partners, has started taking shape.
St. Cloud schools add Somali, Ojibwe to world language program
-
Star Tribune
12/12/2021 1:10 AM EST
Move over, Spanish and French. St. Cloud public schools next year will be offering Somali and Ojibwe to all students as elective languages.
AMISOM conducts Training of Trainers in International Humanitarian Law and International Human Rights Law for Somali National Army (SNA) officers
-
Amisom
12/12/2021 12:59 AM EST
A five-day training of trainers for Somali National Army (SNA) personnel and officials from the federal Ministry of Defence, is underway in Mogadishu, to enhance their knowledge in International Humanitarian Law (IHL) and International Human Rights Law (IHRL).
Bomb blast kills 1, wounds 2 regional lawmakers in southern Somalia
-
Anadolu Agency
12/12/2021 12:43 AM EST
At least one civilian was killed and five other people were wounded, including two regional lawmakers, when a terrorist-claimed bomb blast targeted a restaurant in southern Somalia on Saturday, an official said.
The reality of living with autism in Kenya
-
Nation Africa
12/12/2021 12:38 AM EST
As we drive into Donholm Estate at Cerebral Palsy Society of Kenya, Ilhan Issa (14) is doing laps round the compound as a group of adults look on.
Al-Shabaab kills 4 African Union peacekeepers in Somalia
-
Anadolu Agency
12/12/2021 12:28 AM EST
Twin blasts targeted Burundian soldiers serving under the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in southern Somalia on Saturday, a security official said.