4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo mar kale iska xaadiriyay jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah TPLF

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo maalmo kooban kasoo maqnaa furimaha dagaalka, ayaa mar kale u jihaystay dhanka dagaalka, si uu sii wado baacsiga kooxda TPLF, sida ay tabiyeen warbaahinta ay dowladdu maamusho.

Warbaahinta ay dowladdu maamusho ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dowladdu guulo ka gaareen dagaalkan, oo ay ku sheegeen in uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Dr Abiyi Axmed, iyagoo sheegay inay qabsaday wadada istiraatiijiga ah, ee isku xirta magaalooyinka Waldia iyo Maqale.

Geesta kale kooxda TPLF ayaa dhinacooda waxay sheeganayaan guulo waawayn, iyadoo dagaalkuna uu maanta kasii xoogaysanayo magaalooyin dhowr ah.

Guulaha ay labada dhinac sheeganayaan, ayaan jirin wax xaqiijinaya ama ka baxsan sheegashadooda, iyadoo ta kaliya ee la xaqiijinayo ay tahay in dagaalku uu maanta si hor leh u socdo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]