4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Wasiir Cumar Cali "Koontaroolada hubinta Isgoysyada Muqdisho waxa ka jira dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin"
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay iney soo gaartay cabasho la xariirta ciidamada dowladda, kuwa ka howlgala Isgoysyada magaalada Muqdisho iney lacago baad ah ay ka qaataan gadiidka dadweynaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ee ka howlgala baraha koontaroolada ay gadiid kasta waydiiyaan lacago, hadii aysan bixina ay dib u celiyaan, taasoo uu sheegay iney sumcad darro ku tahay ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Goobaha hubinta ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga Isgoysyada waxaa ka socda dhac dadban oo aanan indhaha laga qabsan karin, sababto ah gadiidkii ama Mootadii lacag bixin uma soo gudbi karto gudaha magaalada, hadad lacag tuuri weyso dib u laabo in la dhaho wax la aqbali karo maahan waana in wax laga qabtaa arintaasi" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble.

Wasiirka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka dowladda iyo cid walba ay quseeyso arintaan laga soo cawday iney wax ka qabtaan, si meesha uga baxdo dhaca dadban ee lagu haayo gaadiidleyda.

Hadalka kasoo yeeray wasiir Cumar Cali ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay xirtay wadooyinkii muhiimka ahaa ee ku dhex yiilay xaafadaha Muqdisho, taasoo keentay in gaadiidka lama huraan ay ku noqotay iney lacag tuuraan si ay uga gudbaan baraha koontaroolada ay fadhiyaan ciidamada dowladda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]