4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Rabshado maanta ka dhacay Magaalada Bambaas ee degaanka Soomaalida
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Dhalinyar gadoodsan ayaa maanta xiray jidka dhex mara magaalada Bambaas ee degaanka Soomaalida, dhalinyartan ayaa ka cadhaysnaa alaab kootarabaan ah oo ay qabteen ciidanka fadaraalku, kuwaas oo ay lahaayeen dad shacab ah.

Dhalinyartan ayaa jidka ku xiray dhagaxaan iyadoo gawaarida shacabkuna ay saacado ku xanibnaayeen halkaa, waxaana markii dambe goobtaas yimid ciidamo Fadaraal Booliska ka tirsan iyo kuwa amniga ee degaanka oo kala eryay dhalinyartii gadoodsanaa jidkii xirnaana furay.

Magaalada Bambaas ayaa ah magaalo wayn oo ku taal inta u dhaxaysa Jigjiga iyo Baabili, waxaana u dhaw magaalada meel ay Ciidanka Fadaraalku deggan yihiin kuna baadhaan alaabaha.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]