12/2/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Faysal Cali Waraabe "Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland"
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali iyo layaab ku sifeeyay doorashooyinka dowlada Somaaliya gadhwadeenka ka tahay ee dadka reer Somaliland loogu qabanayo magaalada Muqdisho.

"Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoogaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda" ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in sharci laga soo saaro dadka ka shaqeeya arrimaha Soomaaliwayn, waxaanu golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay ugu baaqay in ay ka howlgaal sharciyo lagu xakamaynayo dadka ku lugta leh arrimaha.

"Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa" ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa marar kala duwan xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta ugu baaqay in ay sharci kasoo saaraan dadka ku eedaysan in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2021 3:28 PM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareegto caawa kasoo baxday xafiiskiisa waxaa hay’adaha Dowladda looga joojiyay in ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

8/7/2021 12:23 PM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen iska dhex doortay guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xili maanta guddiga doorashooyinka garab Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay doorteen guddoon cusub.

8/7/2021 11:51 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay iyo ku xigeenadiisa Siciid Mirre Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka shirguddoonka golaha wakiilada.

8/7/2021 8:29 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah ugu hambalyeey xubnaha is doortay ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka Mahdi Guuleed.

8/7/2021 7:39 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Khadar Xariir Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada wakiillada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

8/7/2021 2:34 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday talooyinka Midowga Afrika ee ku aaddan in la dhimo ciiddamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyadoo ku tilmaamtay warbixinta talo-soo jeedinta mid xaqiiqda ka fog.

8/7/2021 2:02 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay Liiska argagixisadda caalamka ku dartay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.