Madaxweynaha Galmudug oo codsaday in loo gurmado dadkii ka barakacay deegaannadii laga xorreeyay Al-shabaab

 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo magaalada Dhuusomareeb kula kulmay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa codsaday in gargaar la gaarsiiyo dadka ku nool deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab.

newsinsideMadaxweynaha Galmduug ayaa sheegay Alshabaab in ay burburiyeen ceelashii biyaha iyo marinadii sahayda loo marin lahaa dadweynihii ku noolaa dhulka looga qabsaday dagaallada ay iska kaashadeen ciiddamada is-garabsanaya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale codsaday in Galmudug laga gacan siiyo dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida iyo kuwa Galmudug ay guulo waawayn kasoo hoyeen dagaalkaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale wafdiga Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa amniga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online