4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Koofur Galbeed ku leeyihin degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la iska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahnta.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid Shabaab ciidamada Koofur Galbeedna ay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Qansaxdheere.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]