Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay
hanti-dhowrka Puntland inuu ka degdeg ka muuqdo warbixin ay dhawaan soo
saareen oo ay shaqada kaga joojiyeen masuuliyiin katirsan wasaaradda
waxbarashada iyo tacliinta sare.
newsinsideWasiirka wuxuu sheegay baarista hanti-dhowrku in aanu marin nidaamkii looga baahnaa, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyay baaristii oo socota oo aan loo gudbin hay’addihii ku shaqada lahaaa.
Wuxuu sheegay in arintaan ay saamayn ku yeelan karto taageerada lasiiyo waxbarashada Puntland iyo sumcadda wasaaradda waxbarashada oo kamid ah wasaaraddaha ku tiirsan taageerada hay’addaha deeq bixiyaasha.
“20 sano ayaan soo dhisaynay waxbarashada Puntland, ma doonayno inuu dhaawac soo gaaro. Dowladda lafteeda waxaa laga rabaa in ay ilaaliso anshaxa baarista iyo nidaamka dowladnimada," ayuu yiri wasiirka waxbarashada.
Dhawaan ayay ahayd markii hanti dhowrka guud ee Puntland uu shaqada ka joojiyay agaasimaha waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax iyo saddex masuul oo kale, oo loo haysto musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Hanti dhowrku wuxuu sidoo kale xiray 13 akoon oo wasaaraddu ku lahayd bangiyada gaarka loo leeyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online