
newsinsideDeegaanka Sabiid ayaa dhanka koofureed laga beegan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana dagaalka uu ka bilaawday barkoontarool oo ciidamada dowlada ku lahayeen deegaankaasi.
Guddoomiye Sidii ayaa sheegay in kooxda soo weerartay deegaanka ay hayeen kuwa tiro yar iskana difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen, isagoona sheegay in hal askari uu kaga dhintay dagaalkaasi laba kalana ay kaga dhaawacmeen.
"Ciidankeena way iska difaaceen weerarka kaga yimid cadawga Al-shabaab jab xoogan ayayna gaarsiyeen dhankenana hal askari ayaa naga dhintay laba kalana waa naga dhaawacmeen, ayagana way jabeen oo gaari dhiiqo ka galay xata way ka carareen" ayuu yiri guddoomiye Siidii.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay sheegatay iney saakay dagaal xoogan kula wareegtay deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose .
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]