4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 9 , 2021
Jabuuti oo loo darreeray goobaha codbixinta

 

Jimco, April, 09, 2021 (HOL) - Dadka reer Jabuuti oo ayaa saakay oo Jimco ah u darreeray  goobaha codbixinta doorashooyinka madaxtinimo oo saaka si rasmi ah uga furmay guudaha Dalkaasi.

Dadka gaaraya ilaa 215,000  oo ruux ayaa loo diiwaangaliyay in ay ka codeeyaan dalkaasi Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa xilkan kula tartamaya  ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaan Dalkaasi,kaas oo lagu magacaabo Zakaria Ismail Farah, oo ah 56 jir ku cusub siyaasadda.

Xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn dalka Jabuuti ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Markii Shanaad ayuu doonayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele in uu mar shanad qabto xilka madaxtinimo ka dib kolkii uu talada dalka Jabuuti la wareegay sanadkii 1999-kii.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]