4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Midowga Musharixiinta oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo fashilka shirka Afisiyooni

 

Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) -   Qoraal ka soo baxay midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay war ku saabsan in uu fashilmay shirkii Afisiyooni maalmihii ugu danbeeyay uga socday madaxda Soomaalida, iyaga oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu isagu leeyahay mas'uuliyada fashilka shirka.

Qoraalka ayeey sidoo kale ku sheegeen in muddo dheerba Farmaajo  uu caqabad ku soo ahaa doorashada, ku talagalkiisuna ahaa lagu kala taggo kulanka ay garwadeenka ka aheyn beesha caalamka.

Midowga musharixiinta ayaa eedeymahooda sal uga dhigay qoddobadan ' 1) Madaxweyne Farmaajo  In uu 6-dii Bishii febaraayo ka soo kacay gogoshii shirka Dhuusomareeb 4 oo ay ku kulansanaayeen madaxda dawlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ah, isla maalintii uu shirka ka soo baxay ayuu isku dayay in uu Baarlamaanka ka raadiyo muddo kordhin, balse ay ka hor istaageen xildhibaanno diiddan sharci ku tumashada.

2) In iyadoo Muqdisho loogu ballansan yahay shir arrimaha doorashooyinka lagu dhammaystirayo uu habeennimadii 19-ka Febraayo amar ku bixiyey in la weeraro labadii Madaxweyne ee xilka kaga horreysay, iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, wuxuuna isla subixii 19-ka Febraayo amray in la rasaaseeyo dibadbax nabadeed oo ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah xubnahaa Midowga Murashaxiinta, xildhibaanno iyo wasiirro hore.

3) In uu amray in mas’uuliyadda amniga garoonka diyaaradaha laga wareejiyo Booliska kastamka oo weligiis gacanta ku hayn jiray, laguna wareejiyo ciidanka Haramcad oo ku caan baxay weerarrada lagu qaado siyaasiyiinta iyo mucaaradka, si uu khalkhal u geliyo amniga wufuudda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, loogana hor istaago kulammada ay la yeelanayaan siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo qaybaha kale ee bulshada.

4) In uu carqaladeeyey in ay natiijo ka soo baxdo shirar hor dhac ah oo ay dawlad goboleedyada shanta ah uga heshin lahaayeen ajandaha shirka iyo dadaallo ay wadeen xubnaha beesha caalamka oo lagu kulansiin lahaa raysalwaasaraaha xukuumadda xil gaarsiinta iyo madaxda dawlad goboleedyada.

5) In uu 27kii Maarso, iyadoo ay shir u fadhiyaan shanta dawlad goboleed uu guddoomiyaha Golaha Shacabka kula heshiiyey meelmarinta muddo kororsi labo sano ah, laakiin ay hor istaageen xildhibaanno ka soo horjeeda sharci darrida muddo kordhinta.

6) In 15 kii xildhibaan oo isku daygii muddo kororsiga hor istaagay u diiday ka qaybgalka kulamada Golaha Shacabka, isagoo amray in sawirradooda la dhigo baraha koontarool, kuna amray ciidamada ammanka dhib u gaystaan haddii ay ku adkaystaan in ay Golaha Shacabka tagaan.

7) In ujeedkiisu uu ahaa in shirka u dhexeeya madaxda dawlad goboleedyada iyo kuwa federaalka uusan miro dhalin. Waxaana caddayn u ah in wasiirkiisa warfaafinta uu farriin maalmo ka hor la duubay ku eedeeyey fashilka shirka madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Goluhu wuxuu ku ammaanayaa madaxda dawlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socda, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday in uu guul darro ku soo dhamaaday gabi ahaanba shirkii maalmihii ugu danbeeyay uga socday teendhada Afisiyooni madaxda Soomaalida iyaga oo eeda fashilka shirka dusha uga tuuray madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland. 


   

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]