3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Dowladda federalka Soomaaliya oo ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in aysan rabin in dalka ay ka dhaco doorashado asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo.

Warsaxaafadeed kaasoo baxay xukuumada federalka oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne goboleed ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumada Soomaaliya.

Xukuumadu waxay sheegtay shirkii socday illaa 3-dii April in Madaxda Puntland iyo Jubaland ay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda ayaa kusoo beegmaya kadib markii la sheegay inuu maanta fashilmay shirkii ka socday xerada Afisyoone oo lagu heshiin waayay ajendayaashii horyaalay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/7/2021 2:25 PM EST
Arbaco, April, 6, 2021 (HOL) - Mulkilaha shirkada WorldRemit DR. Ismaaciil Ibraahim Axmed, oo Hargaysa ka daahfuray hay’ad layidha Sahamiye foundation, ayaa ku dhawaqay in uu 500 oo milyan ku maal galinayo waxbarashada Somaliland iyo adeegyo kale.

4/7/2021 12:14 PM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan ka warqabin meel uu ku fashilmay shirkii dowladda federalka iyo dowladda goboleedyada.

4/7/2021 11:00 AM EST
Arbaco, April, 7, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani u magacabay guddomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto).

4/7/2021 7:54 AM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Isku dhacyada xuduudaha ee u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 100 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.

4/7/2021 7:49 AM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Shiinaha ayaa heshiis tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19 la saxiixday shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

4/7/2021 7:23 AM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmduug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay maamulka Galmudug inuu Alshabaab ka difaaco maamulo uu sheegay haddii aysan ka xigi lahayn in ay qatartoodu gaari lahayd.

4/7/2021 4:43 AM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw dib uga bilaawday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho shirka u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

4/7/2021 4:01 AM EST
Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa sheegay in saameyn dhaqaale uu ku yeeshay cudurka Covid-19 maamulka gobolka Banaadir , iyadoo hoos uu u dhacay dhaqaalihii u soo xaroon jiray.

4/7/2021 1:07 AM EST
Arbaco, April,, 07, 2021 (HOL) - Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisiyooni uu dib uga furmo shirka madaxda DF, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.