4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Dowladda Fedaraalka oo saxiixday heshiis tallaal kale lagu keenayo Soomaaliya
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Shiinaha ayaa heshiis tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19 la saxiixday shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Tallaalkan looga hortagaayo xanuunka COVID-19 ayaa la sheegay inuu gaarayo 200 kun oo talaal ah kaasoo dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali kulane ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska uu la saxiixday dowladda Shiinaha ee ku aadan keenista Tallaalka ka hortaga COVID-19.

Danjire Cawaale ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha sida hagar la'aanta ah ee uu sheegay iney u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, waxuuna si gaar ah uga mahadceliyay talaalka aay Shiinaha ugu deeqday dalka Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ee dhanka tallaalka aay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa imaanaya iyado horay gudaha Soomaaliya aay dhawaan usoo gareen talaalka looga hortagayo cudurka safmarka ah ee CIVID-19.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]