4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Madaxweyne Qoorqoor: Galmudug waxay Alshabaab ka difaacdaa oo ka hortaagan tahay maamulo nabad ah
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmduug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay maamulka Galmudug inuu Alshabaab ka difaaco maamulo uu sheegay haddii aysan ka xigi lahayn in ay qatartoodu gaari lahayd.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu booqasho ku tagay degaanno dhawaan ururka Alshabaab laga qabsaday oo ku yaalla gobolka Galgaduud, halkaas oo Alshabab weerarada kasoo qaadi jireen.

 “Anaga oo ah Galmudug ayaa habeen iyo maalin ka hortaagan dhagartooda. Cidna ugama rabno wax gaar ah. Waa dad Soomaaliyeed waa deegaan Soomaaliyeed oo inaan difaacno oo xoreeno xaq noogu leh,’ ayuu yiri madaxweyne qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa shegay Galmudug in ay tahay meel Alshabaab lagu jebiyo looga hor yimaado islamarkaana aan haysan saaxiibo ka kaalmeeya dagaalka ay kula jirto wuxuu ugu yeeray Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiishooda in la sii wado howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug ee Shabaab gacanta ugu jira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online