4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Xuska maalinta xad gudubyadii loogaystay maxaabiistii Jeel Ogaden oo Jigjiga lagu qabtay
 

Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay xuska maalinta xad gudubka maxaabiistii Jeel-ogadeen oo ay soo diyaariyeen Ururka Dhibanayaasha Jeel Ogaden, kuwaas oo dhibaato iyo tacaddi kasoo gaaray mudadii ay ku jireen Jeelkii albaabada loolaabay ee Jeel Ogaden.

Haddaba xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Ururada bulshadada, Aqoonyahanka degaanka, Odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

waxaana lagaga hadlayay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee lagula kacayay maxaabiistii ku jirijirtay Jeel Ogaden.

Xuskan ayaa inta badan la xusaa April 6deeda sannad kasta, iyadoo xuskanina yahay kii labaad ee la xuso.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]