4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha


Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo calami ah, kuwaaso ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.

Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale  ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaal badan ayaan galinay,waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga go’antahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.”

Heshiisyadan  maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta,la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

“Waa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.” ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay’adda ILO, Guy Ryder  “ Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’antahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh iyada oo loo marayo shaqo hufan.” ayuu raaciyay.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada  urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO,kuwaa oo muhiimad u leh ma’baadiida aasaasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.

Munaasabadda lagu gudbiyay toddobada heshiis ,waxaa goobjoog u ahaa xog-hayaha xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Cumar Faaruq Cusmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.Waxaa sidoo kale habka fogaan aragga uga qeybgashay munaasabadda Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Switzerland, Abyan Maxamed Saalax.

Iman Jama, Hiiraan Online