4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Kooxda Alshabaab oo soo bandhigtay khasaaraha weerarkii saldhigga ciidanka dowladda ee Bariire
 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee ku yaala tuulada Bariire ee gobolka Shabeeladda hoose.

Alshabaab ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen in ka badan 47 kamid ah askarta dowladda, waxayna kaloo sheegeen in ay ku  qabsadeen agab militeri oo uu ka mid yahay hub, rasaas iyo gaadiidka dagaalka.

Ma  ahan markii ugu horraysay oo Alshabaab ay weerar ku qaadaan saldhigga ciidamada ee Bariire, Inta badan weeraradii Alshabaab kusoo qaadeen Bariire waxay ku guulaysanayeen in ay la wareegaan ama gudaha u galaan saldhigga ciidanka.

Dowladda federalka ayaa maalin ka hor sheegtay in ay jab xoogan u geysatay kooxdii Alshabaab ee weerar kusoo qaaday magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle, iyagoo soo bandhigay tiro maydad ah.

Alshabaab waxay sheegeen weerarkaan inuu qeyb ka yahay weeraro isdaba jog ah oo ay ka geysteen magaalooyinka Bosaso, Baar Sanguuni, Awdheegle, Jannaale, Sabiid, Caanoole, Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online