4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Wafti uu hogaaminayo wasiirka cadaalada ee dalka Zambia oo soo gaadhay Hargaysa
 

Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaalada ee dalka Zambia Gavin Lubin iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Somaliland ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa waftiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma sheegin sababta rasmiga ah ee ka danbaysa socdaalka waftigan ka socda waddanka Zambia.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa la rajaynayaa in ay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi saacdaha soo socda.

Xidhiidhada dibulumaasiyadeed ee ay Somaliland layeelanayso waddamada ku yaala qaarada Afrika ayaa si kordhayay tan iyo sanadkii hore 2020 iyadoo Somaliland yimaadeen wufuud kala duwan oo ka socda waddamo Afrikaan ah.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]