4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Puntland oo mar kale soo saartay go'aan lagu xakamaynayo lacaga dollarka ee taleefoonada la iskugu diro
 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaaray wax ka qabashada qiimo beelka ku dhacay lacagta Shilin Soomaaliga ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in aan la isku diri karin wax ka yar hal dollar lacagaha dabeysan ee mobaylada.

Guddigu waxay taas bedelkeed shirkaddaha bixiya adeeggaan ku amreen in ay sameeyaan lacago shilin Soomaali danabaysan oo dadweynaha u suurto galinaya in ay kaga maarmaan sintiyadii dollarka ahaa ee la isku diro.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire oo saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sheegay, caqabado soo laabtay in ay ku kalifeen in mar kale guddigu soo celiyo go’aankii lagu joojiyay isku dirka wax ka yar hal dollar.

Faarax wuxuu sheegay caqabadaha soo laabtay in ay kamid yihiin, in waalidiintii ay waayeen wax ay siiyaan carruurtooda dugsiyada wax uga barta, kuwaas oo awal hore jeebka u galin jiray lacago shilin Soomaali ah si ay wax ugu cunaan xilliga bareega.

Balse, markii shilin Soomaaligu uu istaagay ayaa la dareemay culayskaan.

Awaamiirta guddiga kasoo baxay, ayaa wax saamayn ku yeelandoonin Koonfurta Mudug, Sool iyo Sanaag, si loo ilaaliyo tartanka shirkaddaha isgaarsiinta ee bixiya addeegaan.

Inkastoo shirkadduhu sameeyeen shilin Soomaali danabaysan, haddana ma suurto galin in dadweynuhu isticmaalaan, iyadoo loo sababeynayo bulshada oo aan fahan buuxda ka haysan iyo walaac laga qabay aaminaada adeeggan.

Lama oga in shirkaddaha isgaarsiintu fulindoonaan awaamiirtan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online