4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi  21 sano jir ahaa ayaa lagu waramayaa in rasaas lagu furay isaga iyo Nin kale oo ay wada socdeen oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett magaalada Toronto ee dalka canada , iyagoo watay gaari, galabnmadii Sabtida,

Saraakiisha Booliiska dalkaasi Canada oo dhacdadan lagu dilay Wiilka Soomaaliga ah ka hadlay ayaa sheegay in ay shaki badan ka qabaa in weerarkan ay geysteen laba qof oo madow ah 

Marka laga soo tago dhimashada wiilka Soomaaliga ah sidoo kale waxaa weerarka ama rasaasta ku dhaawacmay qofkii kale ee la socday.

Booliiska oo durbaba baaritaan sameeyay ayaa sheegay in ay eedeysanayaasha ay goobta ka baxsadeen, laakiin waxey sheegeeni in ay gacanta ku dhigeen gaarigii ay wateen labo bastooladood oo ay ka carareen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]