4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Hargaysa: Ciidamada dab-damiska oo warbixin kasoo saray khasaaraha uu roobkii galabtu gaystay
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saareen ciidamada dab-damiska Hargaysa, ayaa lagu sheegay in 12 baabuur uu daad ku qaday, 172 qof iyo 3 gaadhi na la bad baadiyay isla markaana uu khasaare soo gaadhay 18 guri.

Warbixinta ciidamda dab-damiska, ayaa lagu sheegay in ciidamada dab-damisku ay galeen hawlgalo bad baadin ah kadib markii uu roob laxaad lihi ka da’ay magaalada Hargaysa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay daad ka ka bad-baadiyeen 172 qof, isla markaana 3 gaadhi laga soo bad-baadiyay iyagoo biyaha dooxu sitaan,

Waxa kale oo lagu sheegay in 12 gaadhi ay biyuhu la tageen, halka ay 18 buul iyo 1 jiingadna ay biyuhu wax yeeleyeen.

Sidookale warbixinta ayaa lagu xusay in ay ciidanku u gurmadeen 49 guri oo biyuhu galeen.

Ciidanka dab damiska ayaa sheegay in anay jirin cid ku dhaawacantay ama ku nafwayday daadka.

Kadib roobab waa wayn oo galabta ka da’ay magaalada Hargaysa, ayaa la arkayay baabuur noocyo kala duwan leh oo biyaha dul sabaynaya.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]