4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Ciidamada booliska Somaliland oo dilay libaaxi gabadha ku dhaawacay Hargaysa
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada booliska Somaliland, ayaa saakay toogtay libaaxi xalay ka baxsaday Beerta Libaaxyada ee Hargaysa, kaasi oo gabadh Itoobiyaan ah dhawac wayn u gaystay.

Ciidamada ayaa baadi goob libaaxa ugu jiray tan iyo xalay fiid kii waxana suuragashay in ay saaka ugu danbayntii toogtaan.

Libaaxyada lagu xanaaneeyo Beerta Libaaxyada ee Hargaysa ayaa ah 7 xabo kuwaasi oo uu gacanta ku hayo siyaasi Cali Waran Cadde oo muddo dheer can ku aha dhaqashada libaaxa.

Maaha markii koobaad ee libaax xeradan ku jiraa uu intuu soo fakado dad dhibaateeyo. Dhawr iyo toban sano kahor ayuu libaax sidan oo kale beerta uga soo fakaday ku dilay gabadh dhalinyaro ah magaalada Hargaysa.

Waxa jira dadka qaar kood oo ku andacooda in anay libaaxyadu ku jirin meel amaana oo lagaga nabad gali karo, isla markaana loo bahanyahay in loo sameeyo beer gidaar adag leh.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan  Online
[email protected]