4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Wajigii koowaad ee shirkii maanta ka furmay Afisyooni oo lasoo gabagabeyay
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo gabagabeeyay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ilaa saaka ka socday Xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Shirkan oo uu maanta furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna shir guddoominayay oo aay ka qeyb galeen madaxweynayaasha 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa looga hadlay dardar galinta iyo hergilinta doorashooyinka Qaranka oo aay aas aas u yihiin heshiisyadii la galay 17-kii September.

Ajandayaasha shirka maanta sida weyn looga dooday ayaa ahaa howlaha dardar galinta doorashooyinka, waxaana la sheegay iney sii socon doonan waxaana lagu balamay in maalinta berito dib la isugu soo laabto.

Shirkan maanta markii ugu horeysay aay isku hor fariisteen madaxda dowladda Fedaraalka iyo dhamaan madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lahaa qaban qaabadiisa Beesha Caalamka oo caadis kala duwan saartay dhinacyadan isku haaya siyaasada Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]